BBC navigation

Ban Ki Moon oo walaac muujiiyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Febraayo, 2013, 11:50 GMT 14:50 SGA

Xoghayaha Guud ee Qaraada Midoobay Ban Ki Moon

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in si weyn uu uga walaacsan yahay xukunka halka sano ah ee shalay Maxakmada ku taal Muqdisho ay ku ridday haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo weriye gabadhaasi wareystay.

Xoghaya Guud ayaa ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay xaqiijiso in dhammaan eedeymaha la xiriira xadgudubyada kufsiga si xooggan loo baaro, isla markaana caddaalada la horkeeno kuwa geysta dambiyadaas.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in gabadha dhinabanaha inay tahay la sheegay iyo weriyuhuba ay helaan nidaam garsoor oo cadaalad ah oo cad, oo ay ku jirto inay helaan racfaan.

Dowladda Mareykanka ayaa iyana qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin go'aanka maxkamadda go'aanka maxkamadda Muqdisho ay ku xukuntay gabadha 27 jirka ah iyo weriyaha.

Waxaa hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka lagu sheegay in sidoo kale ay ka walaacsan yihiin wararka sheegaya in qaladaad ay ku jireen nidaamka la maray iyo in la diiday marqaatiyaashii dhinaca difaaca intii maxkamaddu socotay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.