Al-Shabaab oo furatay twitter cusub

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Febraayo, 2013, 13:37 GMT 16:37 SGA

al-Shabaab waxa laga saaray magaalooyin badan 18 bilood ee u dambeeyay

Kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ayaa waxa ay furatay bog cusub oo Twitter ah, wax ka yar laba toddobaad markii laga xiray boggii ay ku lahaayeen twitter ee HMSPress.

Sarkaal sare oo ka tirsan al-Shabaab ayaa BBC u sheegay in boggan cusub ee ay fureen uu yahay mid rasmi ah, waxaana cinwaankiisu yahay HSMPress1.

Bogga al-Shabaab ee twitter-ka ayaa la xiray kadib markii kooxdu ay ku hanjabtay in ay dileyso qof Faransiis ah oo ah heysteen, ayna sidaa sameeyeen.

Shuruucda u degsan Twitter ayaa dhigaya in ay mamnuuc ka tahay hanjabaad iyo dagaal.

Dadka indha indheeya siyaadda ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay muddaba dooneysay in al-Shabaab laga xiro boggaasi ay ku lahaayeen Twitter laakiin ay la'ayd sidii ay sharciyan arrintaasi ugu qasbi lahayd shirkadda.

Al-Shabab ayaa waxa 18 bilood ee u dambeeyay laga saarayay magaalooyinka ugu waaweyn dalka oo ay ku jirta caasimadda Muqdisho oo ay in badan ka heysteen, markii dambena isaga baxeen.

Wararka la xiriira

Teknoloji

  • click 12 September 2014

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.