Qarax ayaa dhacay Madaxtooyada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Janaayo, 2013, 10:27 GMT 13:27 SGA

Albaabka hore ee xarunta Madaxtooyada Muqdisho

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen markii qof bam isku soo xiray uu isku qarxiyay meel u dhaw xafiiska Raiisul Wasaaraha ee agaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qofku uu is qarxiyay markii ay suaallo weydiiyeen ciidamada ammaanka meel koontarool ah oo u dhaw xafiiska.

Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa saxaafadda u sheegay in ninka is qarxiyay uu horey uga tirsanaan jiray al-Shabaab, uuna ku soo biiray ciidanka nabad-sugidda dowladda, laakiin dhawaan laga eryay shaqada oo ay baarayaan faylkiisa.

Qaraxa ayaa waxa ku dhaawacmay saddex qof oo kale.

Xafiiska ayaa waxa uu ku dhexyaal dhismaha xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.