Shirka Midowga Afrika oo ka hadlaya Mali

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Janaayo, 2013, 15:21 GMT 18:21 SGA
Gudoomiyaha midowga Afrika ee arrimaha

Gudoomiyaha midowga Afrika ee arrimaha siyaasada Dr Aisha Laraba Abdullahi

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa ku kulmaya magaalada Addisababa, maalin ka dib markii ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali ay ka qabsadeen magaalada Gao Islaamiyiinta.

Shirka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay ugu badan tahay waxyaabaha looga hadlaayo Mali, iyadoo laga sugayo in waddamo badan ay keenaan ciidamo.

Raiisalwasaaraha Faransiiska Jean Marc Ayrault ayaa sheegay in ciidamada Faransiiska ay u dhow yihiin magaalada Timbuktu, oo ay islaamiyiinta qabsadeen sanadkii hore.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon oo ka hadlay shirka ayaa sheegay, in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay ku taageerayso Mali wadahadalka siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyo in la diyaariyo jidkii loo mari lahaa soo celinta dastuurka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.