BBC navigation

Siddeed qof oo lagu dilay weerar Yemen

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Janaayo, 2013, 13:44 GMT 16:44 SGA
Ciidanka Yemen

Ciidanka Yemen ayaa dagaal kula jira maleeshiyo islaamiyiin oo xiriir la leh Alqacida.

Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in weerar diyaaradaha Maraykanka ee aan qofna wadin ay ku qaadeen Yemen inay dileen siddeed qof.

Gantaalo laga soo riday diyaarada ayaa ku dhacay laba baabuur gobolka Marib ee bartamaha Yemen.

Mid ka mid ah dadka dhintay, ayaa lagu sheegay inuu yahay hogaamiyaha maleeshiyada Alqacida Imaaciil Bin Jamil. Tan iyo bishii hore Maraykanka ayaa kordhiayay weerarka cirka ee diyaarada aan qofna wadin ee ay ku qaadayaan Yemen halkaas oo Alqacida ay ka dhigatay saldhig.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.