Aljeriya: Ilaa soddon qof oo maqan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Janaayo, 2013, 10:17 GMT 13:17 SGA
Qaar ka mid ah dadkii la soo daayay

Qaar ka mid ah dadkii la soo daayay kadib markii ciidamada Aljeriya ay weerareen saldhiga gaaska.

Waxaa jira codsi ka imaanaya caalamka in dowladda Aljeriya ay sameyso wax walba oo suurtogal ah, si loo sugo ammaanka dadka la afduubay ee ay wali ku haystaan maleeshiyada islaamiyiinta saldhig gaas ee ku yaala saxaraha Aljeriya.

Saddex maalin ka dib markii niman aad u hubaysan ay weerareen saldhiga, dowladda Japan iyo Maraykanka ayaa ka mid ah dowladaha waydiistay aljeeriya in ammaanka dadka la haysto ay ka dhigaan muhiimada ugu wayn.

Wali ma cadda inta qof ee la haysto iyo inta dhimatay.

Faransiiska iyo Maraykanka ayaa xaqiijiyay in hal qof midkiiba laga dilay.

Warfaafinta dowladda Aljeriya ayaa sheegtay in ugu yaraan laba iyo toban qof oo la afduubay ay dhinteen iyo in ilaa soddon qof oo ajnabi aan wali la ogayn meel ay jiraan.

Xoghayaha gaashaandhiga ee Maraykanka Leon Panetta, ayaa BBC u sheegay in wax la dhaafayo aysan jirin si loo hubiyo inaysan Alqacida ku yeelan saldig Waqooyiga Afrika.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa cambaareeyay weerarka argagixisada ay ku qaaday saldhiga gaaska ee Aljeriya.

Hadal qoraal ah oo uu Golaha soo saaray, ayuu ku sheegay in weerarka uu cadaynayo sida loogu baahanyahay in dadkii ka danbeeyay falka, kuwii qabanqaabiyay iyo kuwii lacagta ku bixiyay in sharciga la horkeeno.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.