Boqol qof ka badan ayaa lagu dilay Pakistan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Janaayo, 2013, 23:37 GMT 02:37 SGA

In ka badan boqol qof ayaa lagu dilay qaar kale oo badanna waa lagu dhaawacay weerarrada

In ka badan boqol qof ayaa lagu dilay qaar kale oo badanna waa lagu dhaawacay weerarro bambooyin oo ka dhacay dalka Pakistan.

Dhimashada ugu badan ayaa ka dhacday laba weerar oo lagu qaaday meel aad loo buuxo oo kalaab ah oo dadku isugu yimaadaan oo ku taal magaalada dhinaca koonfur galbeed ee Quetta.

Dhawr shaqaalaha gargaarka iyo weriayayaal halkaasi ku orday markiiba uu qaraxa koowaad dhacay ayaa lagu dilay qarax labaad oo ka dhacay halkaasi, kaasi oo sababay inuu soo dumo dhismihii ku yaalay meesha.

Inta badan dadka ay dhibaatadu soo gaartay waxaa la aaminsan yahay inay yihiin muslimiinta Shiicada.

Koox mintid ah oo la yiraahdo, (Lashkar-e-Jhangvi,) ayaa sheegtay inay qaadday weerarka.

Weerar kale oo isna ka dhacay suuqa magaalada Quetta ayaa lagu dilay 11 qof.

Meel kale, waxaa iyana ku dhintay in ka badan labaatan qo, arkii qarax uu ka dhacay goob diimeed oo dadku isugu yimid gobolka Swat.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.