BBC navigation

Masar oo dabcisay xayiraada Qasa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 December, 2012, 23:36 GMT 02:36 SGA
Baabuur

Baabuur sida alaabada dhismaha oo soo gaaray Qasa xuduudeeda markii ugu horaysay mudo shano ah xayiraad awgeed.

Masar ayaa u ogolaatay in qalabka dhismaha loo soo dhoofiyo Qasa markii ugu horaysay tan iyo intii ay Israel iyo Masar ka xayireen xuduudaha 2007dii.

Baabuur wada kumanyaal tan oo shamiito iyo biraha dhismaha oo ay ku deeqday dawlada Qadar, ayaa soo gaaray dhulka falastiiniyiinta iyagoo ka soo galay xuduuda Rfax sabtidii.

Masar iyo Israel ayaa xayiray xudduuda Qasa, kadib markiii Israel ay cunaqabatayn ku soo rogtay Qasa markii ay Xamaas qabsatay xukunka 2007dii.

Israel ayaa dabcisay xayiraada bishii hore kadib markii ay la saxiixday heshiis Xamaas.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.