BBC navigation

Golaha Dastuurka Faransiiska oo diiday canshuur cusub

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 December, 2012, 16:36 GMT 19:36 SGA
Golaha dastuurka ee Faransiiska

Golaha dastuurka ee Faransiiska

Golaha dastuurka ee Faransiiska ayaa diiday qorshe toddobaatan iyo shan boqolkiiba canshuur laga qaadayo dadka qaata in ka badan hal milyan Euro sanadkii.

Golaha ayaa go'aan ku gaaray in canshuurta lagu kordhinayo dadka lacagta leh inay tahay mid dastuurka ka soo horjeeda.

Sababtoo ah waxay abuuraysaa sinaan la'aan, tusaale ahaan guri laba qof ay degan yihiin hadii hal qof uu qaato hal milyan oo Euro wuxuu bixinayaa canshuurta la kordhiyay, laakiin hadii labada qof uu midkiiba qaato 900,000 Euro ma bixinayaancanshuur dheeraad ah. Canshuurta cusub ayaa ah siyaasadaha ugu waawayn ee Madaxweyne Francois Hollande oo la doortay bishii May.

Canshuurtan cusub ayaa ka xanaajisay ganacsatada Faransiiska iyo dadka lacagta leh.

Canshuurta la kordhiyay ayaa saamaynaysa ilaa 1500 oo qof waxayna socon lahayd laba sanno.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.