BBC navigation

Masar oo u codaynaysa Dastuurkeeda

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 22 December, 2012, 10:46 GMT 13:46 SGA
Codbixiyayaasha

Codbixiyayaasha reer Masar

Masaarida ayaa la waydiiyay inay u codeeyaan maya ama haa dastuurka qabyada ah ee Masar, kaasoo ay dadka aad ugu kala qaybsan yihiin.

Codaynta ayaa ka dhacaysa 17 gobol oo aan codayn toddobaadkii hore. Gobolada maanta codaynaya ayaa loo arkaa inay taageersan yihiin xisbiga Akhwaan Muslimiin.

Taageerayaasha madaxweyne Mursi ayaa sheegay in dastuurka uu soo celin doono deganaanshaha waddanka. Laakiin mucaardka ayaa sheegaya in Dastuurka uu awood siinayo Islaamiyiinta oo uu s ilaalinayn xuquuqda dumarka iyo xoriyada hadalka.

Natiijoooyin aan rasmi ahayn ayaa sheegay in in wareegii koowaad oo codaynta lagu aqbalay dastuurka boqolkiiba konton iyo lix.

Tirada dadka codeeyay ayaa yarayd, mucaaradkana waxay ka cawdeen in aysan si daacad ah u dhicin doorashada.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.