BBC navigation

Boqoradda oo ka hadashay ciidda masiixiga

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 December, 2012, 18:41 GMT 21:41 SGA

Boqoradda Queen Elizabeth oo jeedineysa khudbadda ciidda masiixiga

Boqoradda dalkan, Britain Queen Elizabeth, ayaa jeedisay hadalkii caadada u ahaa ee ay jeedin jirtey maanta oo kale ee Ciidda Masiixiga.

Boqoraddu waxay sheegtay in sanadkan, 2012 uu ahaa Saandkii Aqoon Is-weydaarsiga, Saaxibtinimada iyo Niyad Samida Wada-jirka.

Waxaa kalo ay Boqoraddu sheegtay in dadkii daawaday, Ciiyaarihii Olompiga ee isugu jirey, kuwii dadka Fayow iyo kuwii dadka Naafada ahaa, waxaa ay aad u jeclaysteen oo ugu muraaqoodeen, dadaalka xad-dhaafka ee ay ka qayb galayaashii cayaaruhu ay halkaas ka muujiyeen.

Boqoraddu waxaa ay intaas ku dartay in ay aad ugu ugu qushuucday, markay aragtay dadka tirada badan ee ka qayb galay, dabaaldagii lagu xusayay Sanad guuradii 60-maad ee ka soo wareegtay, maalintii Boqortinimada loo caleema saaray.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.