Amnesty oo eedaysay Kenya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 December, 2012, 13:48 GMT 16:48 SGA

Kooxda xuquuqda aadanaha ee Amnesty Internatnonal ayaa tilmaantay in go'aan sharci darro ah ay qaadatay dowladda Kenya in ay dhamaan qaxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah ay ka saarto dhulka magaalooyinka ah oo ay u dirto xeryaha qaxootiga.

Amnesty ayaa sheegtay in ay qalad ahayd in dowladda ay qaxootiga ku eedayso weerarada ka dhacay dalka Kenya oo loo haysto in ay ka dambeeyayeen islaamiyiinta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Maalintii Tallaada ayay Kenay amartay in dhamaan qaxootiga Soomaalida iyo magangalyo doonka ay iska xaadiriyeen xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo u dhow xadka Soomaaliya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.