Madaxweyne Xasan oo booqanaya Kenya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 December, 2012, 15:02 GMT 18:02 SGA

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu wada hadal kula yeeshay magaalada Nairobi dhiggiisa dalka Kenya, Madaxweyne Mwai Kibaki.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa booqanaya dalka Kenya markii ugu horreysay tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada bishii Sebtember ee sanadkan.

Labada Madaxweyne ayaa arrimaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka, doorka Kenya ee Soomaaliya, dhibaatada dadka qaxootiga iyo arrimo kale.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa ay ku soo beegantay iyadoo dowladda Kenya ay amar ku siisay tobanaanka kun ee qaxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka dalka inay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Kenya waxa Soomaaliya ay u dirtay ciidan sanadkii hore kuwaasi oo gobollada Jubboyinka kula dagaallamaya al-Shabaab.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.