Amnesty oo ka hadashay go'aanka Kenya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 December, 2012, 14:12 GMT 17:12 SGA

Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya waxa ay gaarayaan boqolaal kun

Hey'adda xuquuqd aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa ku tilmaantay mid aan sharci ahayn go'aanka dowladda Kenya ee dhammaan dadka qaxootiga ee ku nool magaalooyinka lagu geynayo xeryaha.

Amnesty waxa ay sheegtay in ay khalad ahayd in dowladda Kenya ay ku eedeyso dadka qaxootiga ah oo dhan weerarada Kenya ka dhacay ee loo maleynayo inay qaadeen taageerayaasha kooxda Islaamiga ee al-Shabaab.

Talaadadii ayaa dowladda Kenya waxa ay amar ku bixisay dhammaan qaxootiga Soomaalida iyo dadka magangalyo doonka ah inay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee u dhaw soohdinta Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.