BBC navigation

Kenya: Qaxootigu waa inay tagaan Dhadhaab

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 December, 2012, 11:30 GMT 14:30 SGA

Xeryaha Dhadhaab ayaa lagu tilmaamay kuwo buux dhaafay oo go'doon ah

Dowladda Kenya ayaa ku amartay tobanaan kun oo qaxooti ah oo ku nool magaalooyinka inay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga.

Dowladdu waxay sheegtay in dhammaan dadka Soomaalida ah ee magangalyo doonka ah iyo qaxootiga ay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee u dhaw soohdinta Soomaaliya.

Dadka ka yimid dalalka kale ayaa iyaguna anar lagu bixiyay inay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga ee Kakuma oo ku yal Waqooyiga galbeed ee Kenya.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in xeryahan ay yihiin kuwo buux dhaafay oo go'doon ah.

Tallaabadan ayaa waxa ay ka dambeysay weerarro is xigay oo ka dhacay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, iyo weliba qeybo kale oo ka mid ah waqooyiga bari ee dalka, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan kooxda Islaamiga ee al-Shabaab.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.