BBC navigation

Raiisul Wasaarihii Mali ayaa is casilay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 December, 2012, 04:45 GMT 07:45 SGA

Mr Diarra waxa amarka lagu xiray bixiyay hoggaamiya ciidankii afganbiga ka sameeyay Mali

Raiisul Wasaarihii, dalka Mali, Cheikh Modibo Diarra, ayaa is casilay. Waxa uu is casilaadda uga dhawaaqay telefishinka dowladda saacado kadib markii ciidankii afganbiga sameeyay ay gurigiisa ka xireen.

Afhayeen u hadlay militeriga dalka Mali ayaa sheegay in Raiisul Wasaare Cheikh Mobido Diarra la xiray, laguna hayo xero militeri.
Afhayeenka ayaa BBC u sheegay in Mr Diarra la xiray isagoo isku dayay inuu ka tago Mali oo uu aado faransiiska, waxaana looga shakiyay inuu wiiqayay in dimuqraadiyad lagu nqodo.

Waxa uu sheegay in amarka uu ka yimid Captain Amadou Sanogo oo hogaaminayay afganbiga militeri ee March ka dhacay Mali kaasi oo dhibaato geliyay dadlka.

Golaha Ammaanka ee Qaraada Midoobay ayaa ka digay in dhibaatada waqooyiga dalka Mali halkaasi oo kooxaha Islaamiyiinta intidka ah ay la wareegeen - ay sii hurin karto dagaal guud ahaan saameeya gocbolka Sahil ee Afrika. Laakiin waxaa jira khilaaf ku saabsan sidii dhibaatada wax looga qaban lahaa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.