Saddex qof oo lagu dilay Mombasa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 December, 2012, 01:33 GMT 04:33 SGA

Hoggaamiyaha kooxda MRC (dhexda) oo la keenayo axkamadda magaalada ombasa bishii OKtoobar

Ciidamada booliiska Kenya ayaa toogasho ku dilay saddex qof oo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen koox mintid ah, waxaana ay xireen toban kale magaaada xeebta ku taal ee Mombasa.

Afhayeen u hdalay booliiska (Aggrey Adoli) ayaa sheegay in saddexda nin ay xiriir la leeyihiin koox lagu magacaabo Golaha Jamhuuriga Mombasa (MRC), kooxdaasi oo ku baaqday in in gobolka xeebta uu ka go'o dalka Kenya intiisa kale.

Masuuliyiinta dalka Kenya ayaa waxa ay xireen inta badan hoggaamiyayaashii kooxda bishii Oktoobar,

Magaalada Mombasa ayaa waxa bilihii ugu dambeeyay saameeyay rabshado, iyadoo ay jirto cabsi sii kordheysa oo la xiriirta degenaansho la'aanta siyaasadeed ka hor doorashooyinka lagu wado in dalka ay ka dhacaan bisha Maarso ee soo socota.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.