BBC navigation

Madaxweyne Mahama ayaa guuleystay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 December, 2012, 02:25 GMT 05:25 SGA

Madaxweynaha talada haya ee John Mahama ayaa ku guuleystay doorashada

Guddiga doorashada dalka Ghana ayaa sheegay in Madaxweynaha hadda talada haya ee John Mahama, uu ku guulesytay wareegga koowaad ee doorashada madaxtinimada, laakiin xisbiga mucaaradka ee ugu weyn ayaa dood ka qaba natiijada.

Guddigu waxa uu sheegay in Mr Mahama uu ku guuleystay 50.7 boqolkiiba codadka, isagoo aanan u baahan in mar kale ay iskula noqdaan Nana Akufo-Addo oo helay 47.7 boqolkiiba.

Muuqaal la soo saaray telefishinka Ghana ayaa muujinaya taageerayaasha Mr Mahama oo dabaaldegaya, laakiin xisbiga Mr Akufo-Addo ee New Patriotic Party, ayaa qaaddacay oo ku eedeeyay in in wax la is daba mariyay.

Weriye BBC ka tirsan ayaa sheegaya in xaaladda magaalada caasimadda ah ee Accra ay kacsan tahay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.