BBC navigation

Dagaal ka dhacay meel u dhaw Jowhar

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 December, 2012, 11:46 GMT 14:46 SGA

Jowhar waxa ay ka mid tahay meelaha ku haray gacanta al-Shabaab

Kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ayaa weerar ku qaadday saldhig ay leeyihiin ciidmada dowladda Soomaaliya oo ku yaal meel u dhaw magaalada Jowhar ee Koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdi Jiinoow Calasoow ayaa BBC u sheegay in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan 15 ka tirsan al-Shabaab.

Waxa uu qirtay in dhinacooda laga dilay saddex askari 5 kalena looga dhaawacay dagaalka.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in dagaalku ahaa kii ugu xooggana tan iyo markii ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ay bilaabeen inay u dhaqaaqaan dhinaca magaalada Jowhar, oo ah mid ka mid ah meelaha weli ku haray gacanta al-Shabaab.

Isniintii al-Shabaab waxa ay gaadmo ku weerartay kolonyo baabuur ah oo marayay meel u dhaw magaalada dekedda leh ee Marka, kolonyadaasi baabuurta oo ay saarnaayeen saddex xubnood oo ka tirsan golaha wasiiradad.

Laakiin saraakiisha degaanka ayaa sheegay in afar booliis ah in lagu dhaawacay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.