BBC navigation

Moon oo ka deyriyay xaaladda Suuriya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 1 December, 2012, 02:34 GMT 05:34 SGA

Qaramada Midoobay waxa ay ku qiyaastay in 40 kun ay ku dhinteen dagaalka Suuriya

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in dagaalka Suuriya uu gaaray heer cusub oo naxariis aan lahayn.

Mr Ban waxa uu hadlay iyadoo ciidanka dowladda Suuriya iyo kooxaha mucaaradku ay ku dagaallameen gudaha iyo banaanka magaalada Dimishiq, kaasi oo si xun u saameeyay duulimaadyadii tagi lahaa magaalada.

Isaga oo la hadlayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Ban waxa uu sheegay in dadka rayidka ah maalin walba la xasuuqo, isla markaana dagaalka hadda lagu qiyaasay inay ku dhinteen ilaa afartan kun oo qof, iyadoo tiro badan oo qaxooti ahna uu sababay.

Waxa uu saadaaliyay in qaxootigu gaari karo toddobo boqol kun sanadka soo socda horraantiisa.

Dalka Suuriya gudihiisa internetka iyo telefoonada ayaa go'an maalintii saddexaad.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.