BBC navigation

Weerar ka dhacay magaalada Abuja

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Novermber, 2012, 01:57 GMT 04:57 SGA

Ciidanka booliiska dalka Nigeria

Booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay in rag dabley ah ay weerareen xarun dhinaca ammaanka ah oo si weyn loo ilaaliyo, oo ku taal magaalada caasimadda ah ee Abuja.

Dableyda, ayaa halkaasi ka sii daayay maxaabiis.

Dhismaha, ayaa waxa degennaa ciidan gaar ah oo la dagaallama burcadda, waxaa kale aoo halkaasi lagu hayay xubno looga shakiyay inay ka tirsanaayeen kooxda Islaamiga ee Boko Xaaraam>

Booliisku, waxay sheegeen in ilaa soddon maxaabiis ah ay baxsadeen intii weerarku socday, laakiin intooda badan dib loo soo qabtay.

Laba ciidanka booliiska ayaa dhintay.

Axaddii, ciidanka ayaa ku eedeeyay Boko Xaaraam ( oo dooneysa inay riddo dowladda Nigeria, oo ay ku soo rogto nidaam sharci Islaami ah oo adag --) laba weerar oo is qarxin ah oo ka dhacay saldhig militeri.

Wararka la xiriira

Afrika

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.