Rwanda oo eedeysay ciidanka Congo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Novermber, 2012, 23:32 GMT 02:32 SGA

Baabuur Tangi ah oo dhexmaraya magaalada Goma

Dowladda Rwanda, ayaa ku eedeysay ciidanka dalka deriska la ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, inay si ulakac ah rasaas ugu soo ridayaan dhulka Rwanda.

Jeneral reer Rwanda ah (Joseph Nzabamwita) ayaa sheegay in rasaas laga soo riday taangi iyo madaafiic ay ku soo dhaceen meel u dhaw garoonka dayaaradaha ee magaalada Gisenyi oo ku taal Rwanda.

Eedeynta ayaa la sameeyay, iyadoo ciidanka Congo ay dagaal kula jiraan mucaaradka M23, meel banaanka ka ah magaalada Goma, ee ku taal bariga dalka Congo.

Mucaaradka ayaa waxay siiyeen ciidanka dowladda Congo 24 saac oo ay wadahadal nabadeed kula furaan.

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay kala baxayso magaalada Goma dhamaan shaqaalaha aan muhiimka ahayn.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.