BBC navigation

100 ka badan ayaa ku dhintay Qasa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Novermber, 2012, 23:01 GMT 02:01 SGA

Ugu yaraan 105 ayaa ku dhintay duqeynta Israaiil ee Qasa

Weerarada duqeynta ee Israaiil ay ku heyso magaalada Qasa ayaa dilay ugu yaraan 105 Falastiniyiin ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xamaas, iyadoo gantaallada Xamaas ee Israaiil lagu tuurayana ay sii socdaan.

Golaha wasiirada ee Israaiil ayaa waxa ay ka wada hadleen mustaqbalka hawlgalka militeri ee Marinka Qasa kadib lix maalmood oo dagaal uu ka socday.

Wasiirada ayaa la sheegayaa inay ka fakirayaan xabbad-joojin ay soo bandhigtay dowladda Masar.

Saraakiil Israaiil ah ayaa laga soo xigtay iyaga oo sheegaya in hawlgal kasta oo dhinaca dhulka ah la hakiyay inta ay socdaan wada hadalka xabbad-joojinta.

Madaxweyne Obama ayaa la hadlay Raiisul Wasaaraha Israaiil, Benjamin Netanyahu, iyo Madaxweyne Maxamed Mursiga Masar.

Israaiil iyo Xamaas ayaa labaduba waxa ay shuruudo ku xireen xabbad-joojinta.

Xamaas ayaa dalbatay in go'doominta laga qaado Marinka Qasa, halka Israaiil ay ku adkeysatay in la joojiyo gantaallada laga soo ridayo Qasa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.