BBC navigation

Hoggaamiyeyaashii Shiinaha ilaa 1949

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Novermber, 2012, 20:48 GMT 23:48 SGA

Shantii Hogaamiye ee ugu dambeeyay ee Shiinaha soo maray

Dalka Shiinaha ayaa waxa uu yeelanayaa maamul cusub. Waxaa socda shirweyna Xisbiga Shuuciga ee talada haya.

Madaxweynaha hadda, Hu Jintao oo ka hadlay shirka ayaa waxa uu bixiyay digniin adag oo ku saabsan musuqmaasuqa oo uu sheegay in uu khatar gelinayo Xisbiga Shuuciga ee talada dalka haya.

Magaalada Bijiin ee xarunta dalka Shiinaha ayaa uu shirku uga socdaa Kongareeska Xisbiga talada haya.

Shirka oo soconaya muddo toddobaad ah, ayaa Mr Hu waxa uu qirtay in dadku ay ka xanaaqsan yihiin musuqmaasuqa.

Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbiney shantii hoggaamiye ee u dambeeyay ee soo maray dalka Shiinaha.

Hoggaamiye walba waxa ay siyaasaddiisu ahayd iyo xilliga uu talada hayay iyo sawiradooda.

Isbeddelka hoggaanka cusub ee Shiinaha waxa harreeyay fadeexadda siyaasiga caanka ahaa ee Bo Xilai, oo ay qabsatay arrinta dilka iyo musuqmaasuqa.

Madaxweyne Hu, waxa uu sheegay in dhamaan kuwa ku xadgudbay sharciyada xisbiga iyo dalka, cid walba oo ay tahay inay ay tahay in caddaaladda la hor keeno.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.