
Ammaanka magaalada ayaa xumaaday tan iyo markii al-Shabaab laga saaray Kismaayo
Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada ay uu ka dhacay hawlgalkii ugu balaarnaa ee dhinaca ammaanka tan iyo markii laga qabsaday magaalada al-Shabaab.
Afhayeenka Jabhadda Raskamboni, Cabdinaasir Seeraar oo BBC la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ilaa Afar boqol oo qof la xiray, oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin al-Shabaab.
Dadka la xiray ayaa laga qabtay jidadka iyo qaar guryahooda laga xiray.
Afhayeenku waxa uu sheegay in bandow ay magaalada ku soo rogeen.
Isgaarsiinta magaalada ay saaka xirnayd, waxaa kale oo saameyn ku timid ganacsiga iyo goobihii waxbarashada ee magaalada.
Amaanka magaalada Kismaayo ayaa sii xumaanayay tan iyo intii ay qabsadeen magaalada Ciidanka Kenya iyo maliishiyaad taageersan dowladda Soomaaliya.