
Sawir laga qaaday kadib markii dabka la damiyay
Dab ayaa ka kacay xaflad aroos bariga dalka Sacuudi Carabiya, waxaana ku dhintay labaatan iyo shan qof iyadoo ay ku dhaawacmeen sodon qof oo kale.
Saraakiisha ayaa sheegayin dhamaan dadka dhintay ay yihiin dumar iyo caruur oo ku jiray goob gaar u ah.
Dabaaldeggaasi waxaa uu si lama filaan ah isu beddeley masiibo.
Iyadoo la tixraacayo dhaqanka Khaliijka, xafladaha arooska ee Saudi Arabia ayaa dadka ka soo qeybgala la kala saaraa, taana waxay qeexeysaa sababta dadka wax ku noqdey shilkan ay u ahaayeen haween iyo carruur.
Dabka oo ka kacay gobolka Abqaiq ayaa la rumaysan yahay in uu ka bilowday baalle koronto oo qabsaday rasaas ay rideen dadka arooska u dabaaldegayay.
Goobta aroosku ka dhacayay ayaa lahayd oo kaliya hal meel oo laga baxo, waxaana la rumeysan yahay in dadka dhintey badankooda ay korontada dishey xilli ay isku dayayeen inay baxsadaan.