
Ciidamada AMISOM waxa ay Soomaaliya yimaadeen sanadkii 2007
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in in ka badan laba kun oo ciidamada AMISOM ah ay ku dhinteen dalka Soomaaliya ilaa sanadkii 2007.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda dalka Kenya, Richard Onyonka, ayaa tirada u sheegay BBC.
Waa markii ugu horraysay oo la shaaciyo tiro rasmi ah ee dadka ku dhintay dagaalka lagula jiro kooxda Islaamiga ah ee al-Shabaab ee Soomaaliya.
Mr Onyonka ayaa sheegay in in ka badan soddon askari oo Kenyan ah ay ku dhinteen dagaalka gudaha Soomaaliya tan iyo markii ay galeen Soomaaliya ciidamada Kenya sanad ka hor.
Tan iyo markaas ayaa al-Shabab laga saaray goobo badan oo Soomaaliya ah, oo ay ku jirto caasimadda dalka Soomaaliya iyo magaalada Koonfurta ee dekadda ah ee Kismaayo.