Abwaan Warsame Shire oo la aasay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Oktoobar, 2012, 10:19 GMT 13:19 SGA

Warsame waxa uu ku dhiiri-gelin jiray dhallinyarada inay ku biiraan booliiska

Boqolaal qof ayaa ka qeybgalay aaska Abwaan Warsame Shire Cawaale oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Wararka Soomaaliya ka imaanaya ayaa sheegaya in dabley aan la aqoon ay toogteen oo ay dileen abwaanka Soomaaliyeed ee Warsame Shire Cawaale xilli uu gurigiisa u socday.

Warsame Shire, oo u shaqeeynayay Radio Kulmiye,waxa uu qoray isla markaana uu ka qeybqaatay ruwaayad looga soo horjeeday kooxda al-Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay marin habaabinayaan dadka Soomaaliyeed iyaga oo isticmaalaya magaca Islaamka.

Sida ay sheegeen ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Warsame waxa ay hanjabaad uga imanaysay kooxo markii uu dhawaan ka hadlay dableyda dadka rayidka ah bartilmaameedsada.

Weriyayaashu waxa ay sheegayaan dilkiisa ay ka dhigan tahay in la aamusay cod ka soo horjeeday fikradaha al-Shabaab, kaasi oo caan ka ahaa bulshada dhexdeeda.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.