BBC navigation

Duufaan weyn oo ku dhufatay Mareykanka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Oktoobar, 2012, 09:32 GMT 12:32 SGA

Duufaanta Sandy ayaa waxa ay saameysay qaybo badan oo ka tirsan Mareykanka

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay duufaan xoog leh oo ku dhufatay xeebaha bari ee waddanka Mareykanka.

Hirar waaweyn oo ilaa afar mitir ah oo ka dhashay duufaanta ayaa keenay in daadad ay galaan jidadka magaalada New York, goobaha baabuurta la dhigto iyo jidadka tareenada ay maraan.

Madaxa gaadiidka magaalada New York ayaa sheegay in basaska iyo tareenada burburka soo gaaray aanay weligood arkin.

Inta badan magaalada ayaa korontadu ay ka maqan tahay, waxaana xalay ay ahayd mugdi.

Duqa magaalada New York, Michael Bloomberg, in hadda duufaanta qaybteedi ugu wayneyd ay gudubtay, isla markaana la filayo inay biyuhu hoos u dhacaan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.