Obama oo ka digay duufaanta Sandy

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Oktoobar, 2012, 09:53 GMT 12:53 SGA

Waxaa laga cabsi qabaa in Duufaanta Sandy ay burbur lixaad leh geystaan

Madaxweyne Obama ayaa uga digay dadka Mareykanka inay duufaannada Sandy ay u qaataan mid halis ah, iyada oo ay duufaantaasi xoogga badan ku soo wajahan tahay xeebaha bari ee dalka Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu joojiyay qaar ka mid ah isku soo baxyada ololihiisa si uu waqti dheeraad ah ugu bixiyo la socoshada xaaladda.

Mar sii horreysay, Duqa magaalada New York (Michael Bloomberg) ayaa amray in la daadgureeyo 375 kun oo qof oo ku nool dhulka hooseeya.

Dekedda magaalada York Harbour ayaa la xiray, waxaana la baajiyay in ka badan 5 kun oo duullimaad. Waxaa kale oo la joojiyay gaadiidka basaska iyo tareenada.

Iskuullada iyo suuqyada saamiga ayaa iyaguna la xirayaa maanta. Shaqaalaha ku sugan magaalada Washington ayaa loo sheegay in maanta aanay iman shaqooyinka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.