BBC navigation

Afar askari oo lagu dilay Marka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Oktoobar, 2012, 14:31 GMT 17:31 SGA

Ugu yaraan afar askari oo uu ku jiray taliye sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Somaaliya ayaa ku dhintay weerar ka dhacay duleedka Marka. Tiro intaa ka badan ayaa ku dhaawacmay weerar ka dhacay duleedka magaalada Marka. dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa wadada u galay gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada dowladda.

Taliyaha guutada shanaad ee ciidanka Soomaliya General maxamed Ibraahin Faarax Goordan iyo saddex askari ayaa ku dhintay weerarka, oo ay Alshabaab ay jidka ugu galeen ciidamada dowladda duleedka magaalada Marka.

Weerarka ayaa la isticmaalay baasuukayaal iyo rasaas ay adeegsanayeen Alshabaab, dowladana waxay ku jawaabtay hub culus.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa u sheegay BBC in ay dileen dhowr Alshabaab, qaar kalena dhaawaceen.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.