Ammaan daro ka jirta xeryaha qaxootiga ee Kenya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Oktoobar, 2012, 13:44 GMT 16:44 SGA
Xeryaha qaxootiga ayaa ammaankooda uu aad u xumaaday

Xeryaha qaxootiga ayaa ammaankooda uu aad u xumaaday.

Dadweeynaha ku nool qaxootiga ayaa ka cabanaya amni xumo sii baaheeysa oo ka jirto xeryaha qaxootiga ee ku yaalo Dhadhaab. Isbuucan waxaa toogasha lagu dilay afar qof.

Dilkii ugu danbeeyay ayaa shalay lagu dilay xerada qaxootiga ee Xagardheere askari ka tirsanaa waaxda sirdoonka Kenya ee CID. Waxaa lagu dilay gudaha masjid ku yaallo xeryaha maalintii ciida. Waxaa la toogtay isagoo akhrisanayay Qur'aan.

Kol sii horeeysay isbuucan ayaa meeydka sedax nin oo xoogsato ah laga helay duleedka xeryaha. Goobjoogayaal ayaa sheegay in nimankaasi la dilay jirkooda ay ka muuqtay rasaas lala dhacay

Qaxootiga waxa ay sidoo kale ka cabanayaan burcad geeysato dhac oo gaar ahaan dadka dhaca xiliyada habeenkii.

Majirto wali cid loo soo qabtay dilalkani. Boolisku waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan cidda ka dambeeysa dilalkan.

Qaxootiga ku nool xeryaha ayaa boliiska ku eedeeynayo in ay waxba ka qabanin sugida amniga xeryaha.

Amni xummida ayaa waxa ay saamayn ku yeelatay isku socodka iyo ganacsiga xeryaha gaar ahaan xiliyada habeenkii.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.