
Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 50 kalana way ku dhaawacmeen weerar bombaane oo ka dhacay dalka Afqanistaan.
Weerarka oo ka dhacay magaalada Maymana, oo ah xarunta gobolka bariga ee Faryab, waxaa uu ka dhacay dibadda masaajid iyadoo dadku ay isugu tegayeen si ay ugu dabbaal degaan ciidda barakeysan ee Al Adxaa.
Dadka dhibaatadu ku dhacday waxaa ka mid ah xubno ka tirsan boliiska iyo ciidanka milateriga.
Madaxweynaha Afghanistan, Hamid Karzai, waxaa uu ugu baaqay dhammaan mucaaradka inay dagaalka joojiyaan.