
Xoolaha oo laga dhoofinayo dekedda magaalada Berbera
Xilligan xajka waxaa dekedda Berbera ka dhoofay xoolohii ugu badnaa sannadahan danbe.
Xoolahan ariga ah oo Sacuudi arabiya dekedda Jidda loo dhoofinayo ayaa weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo gaaray Berbera waxa uu tegay labada maxjar ee xoolaha lagu nasiyo ka hor inta aan loo rarin dhinaca dibeeda.
Maamulaha maxjarka jaabiri ee Berbera Dr. Sacad wuxuu sheegay in xilligan xajka dhoofiyeen ilaa siddeed boqol oo kun oo neef oo ari ah , isagoo intaa ku daray inay maalmaha soo socda dhoofinayaan ilaa afar boqol oo kun oo neef oo kale.
Maareeyaha maxjarka kale ee indhadeero Mr. Dalmar ayaa isaguna u sheegay weriyahayaga inay dhoofiyeen ilaa lix boqol oo kun oo neef oo ari ah xilligan xajka , filayaana maalmaha soo socda inay raraan ilaa afar boqol oo kun oo neef oo kale.

Sanadkan waxaa laga dhoofiyay xoolo dhan 800 oo kun Berbera
Xoolaha marka maxjarada lagu baadho caafimaadkooda ee lagu nasiyo ayaa galabtii iyo habeenkii dekedda maraakiib lagaga raraa. Xoolaha xilliga xajka dekedda berbera ka dhoofay waxay dhanyihiin markaasi ilaa laba million iyo laba boqol oo kun oo neef oo adhi ah.
Maareeyaha dekedda berbera Cali XoorXoor ayaa sheegay inay dekeddu habeen iyo maalin shaqeyso si dhoofka xoolaha looga gaarsiiyo.
Magaalada ayaa aad iyo aad u mashquulsan xilligan xoolo dhoofka iyadoo gaadiid badan oo xoolaha ka keenaya miyigu soo gelayaan daqiiqad kasta .
Berbera hadda kuleylkii xagaaga ayaa sii baxaaya oo waa huur laakiinse reer Berbera waxay iyagu kuu sheegayaan inay qabaw u tahay .
