
Ciidanka dowladda Soomaaliya oo soo bandhigay hub laga soo qabtay al-Shabaab
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay hub, saanad iyo waxyaabo qarxa oo ay sheegeen in ay lahaayeen xarakada al-Shabaab.
Hubkan oo lagu soo bandhigay saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ayaa lagu sheegay in laga soo saaray dhulka hoostiisa.
Sarkaal u hadlay ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hubkaasi ay ka soo saareen meel ay ku aaseen al-Shabaab oo ku taal deegaanka Laanta Buuro ee dulleedka agaalada Muqdisho.
Hubkan oo saxaafadda loo soo bandhigay ayaa waxa ay isugu jireen, qoryo, rasaas, bambooyin iyo qalab kale oo la sheegay in Shabaabku u isticmaali jireen hawlgalladooda.