BBC navigation

Suuriya oo balan qaadday xabbad-joojin

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Oktoobar, 2012, 10:12 GMT 13:12 SGA

Labada dhinac ayaa oggolaaday in xabbadda la joojiyo inta lagu guda jiro Ciidda Adxa

Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in maanta ay ku dhawaaqi doonto xabbad-joojin. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Lakhdar Brahimi ayaa sheegay in labada dhinac oggolaadeen inay joojiyaan inta lagu guda jiro Ciidda Adxa.

Iyadoo dagaalka ka soconaya waddanka Suuriya uu ku sii faafayo soohdimaha dalalka deriska la ah, ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee ku kala qeybsan arrinta Suuriya, waxa ay ugu yaraan isku raaceen baahida xabbad-joojin deg deg ah.

Waxa uu ugu baaqay awoodaha gobolka iyo kuwa caalamiga ahba inay isticmaalaan doorkooda ay ku leeyihiin dhinacyada is haya oo ay ku riixaan sidii ay u joojin lahaayeen dagaalka inta lagu guda jiro Ciidda Adxa.

Lakhdar Brahimi ayaa sheegay in Dimishiq ay oggolaatay inay sidaa sameyso isla markaana ay hadal rasmi ah ka soo saari doonto maanta.

Ergayga Ruushka Vitaly Churkin ayaa waxa uu sheegay inay ay hayaan calaamado muujinaya in ay aqbalayaan soo jeedinta Mr Brahimi, waxaana eegeynaa inaan maqalno warkaasi sida naloo sheegay.

Afar maalmood oo xabbad-joojin ah waxa ay tahay tallaabo yar laakiin ay fududeyn karto sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa oo laga yaabo in wax ka badan ay keento, sidaana waxa yiri Danjiraha Britain Mark Lyall Grant.

Waxa uu rajeynayaa in haddii ay jirto xabbad-joojin kooban ay taasi noqoneyso mid horseedi karta mid joogto ah oo markaa lala xiriirin karo wada hadal siyaasadeed iyo in dib loogu laabto wada xaajood siyaasadeed.

Taasi hadda waxay u muuqataa mid ka fog inay suurtagal noqoto, marka la eego dhinaca dhulkana labada dhinacba waxa ay qaateen in ay dagaallaaan ilaa dhammaadka. Mucaaradka xitaa waa ay ku kala qeybsan yihiin xabbad-joojinta.

Kooxaha sida ciidanka xoreynta Suuriya waxa ay muujiyeen inay xabbadda joojin doonaan haddii ciidanka dowladdu joojiyaan, laakiin kooxaha mintidka ee Islaamiyiinta ayaa diiday in wax xabad joojin ah la sameeyo

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.