BBC navigation

Israel oo weerar ku qaadday Qasa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Oktoobar, 2012, 09:06 GMT 12:06 SGA

Weerarka Israel waxa uu dhacay maalin kadib markii uu magaalada Qasa booqday Amiirka dalka Qadar

Weerar cirka ah oo ciidanka Israel ay ku qaadeen Marinka Qasa ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan lix dagaalyahanniinta Falastiin, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Militeriga Israel ayaa sheegay in kooxdan lagu qaaday weerarka iyaga oo isku diyaarinayay inay gantaallo ku ridaan dhinaca Israel.

Israel waxay sheegtay in ugu yaraan 50 gantaal ay ku dhaceen dhulkeeda, oo si xun ay ugu dhaawaceen saddex qof.

Iskuullada ayaa la xiray soohdinta labada dhinacba, iyada oo laga cabsi qabo weerarro dheeraad ah.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin uun kadib markii Amiirka dalka Qadar oo booqday Marinka Qasa markii ugu horreysay tan iyo markii ay maamulka la wareegeen dhaqdhaqaaqa Xamaas muddo shan sano laga joogo.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.