
Agaasimaha Guud ee BBC, George Entwistle, waxa uu hortagat guddi ka tirsan baarlamaanka
Agaasimaha Guud ee BBC, George Entwistle, ayaa difaacay jawaabta ay BBC ka bixisay eedeymaha xadgudubka xagga galmada ee la xiriira Jimmy Savile.
Agaasimaha, waxa isaga oo la hadlayay guddiga baarlamaanka Britain ee eegaya eedeymahaasi uu aqbalay su'aalaha ka yimid aaminka lagu qabo karo hey'adda BBC.
Mr Entwistle ayaa waxa uu hortagay maanta guddiga saxaafadda iyo dhaqanka ee baarlamaanka Britian, si uu ugu sharaxo sababta Jimmy Savile, oo ahaa nin horey weriye uga ahaa telefishinka iyo raadiyaha ay ugu suurtagashay inuu galo xadgudubyada lagu eedeyay iyo sababta loo sii deyn waayay ee loo tuuray warbixin barnaamijka Newsnight ee telefishinka BBC oo ku saabsanaa eedeymaha Jimmy.
Agaasimuhu waxa uu sheegay eedeymaha inay yihiin kuwo laga naxo.
BBC ayaa waxa lagu eedeeyay inay u joojisay barnaamijkaasi eedeynta iyada oo dooneysay inay sii deyso barnaamijyo dhammaadkii sanadkii hore lagu xusayay taariikhdii iyo hawshii Jimmy Savile.