Dagaallo culus oo ka socda dalka Libya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 22 Oktoobar, 2012, 07:38 GMT 10:38 SGA
Qadafi

Sanad ka dib dilkii Qadafi, waxaa dalkaasi ka socda iska hor imaadyo hubaysan

Dagaallo culus oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 ruux ayaa ka socda magaalada Bani Waliid, oo weli ay ku xooganyihiin taageerayaasha hogaamiyihii hore ee Libya, Mucamar Qadafi.

Ilaa 200 oo ruux oo kale ayaa ku dhawacmay iska hor imaadyadaasi.

Dowladda Libya ayaa isku dayayso inay gacanta ku dhigta waddanka oo dhan, iyadoo kooxo hubaysan ay u muuqdaan inay awoodda gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale, waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan Musa Ibrahim, oo ahaa afhayeenkii Qadafi, oo la sheegay in la qabtay.

Warbixin ka soo baxday xafiiska Raisal Wasaaraha ayaa sheegtay in Musa Ibrahim lagu qabtay meel u dhow magaalada Tripoli ee caasimadda.

Ibrahim

Waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan afhayeenkii Qadafi, Musa Ibrahim

Hasa ahaatee, afhayeen u hadlay isla xafiiska Raisal Wasaaraha, Nasir Al-Mana, ayaa warkaasi shaki geliayay, isagoo sheegay in wax caddayn ah aan loo hayn in Musa la qabtay.

Waxaa haatan sanad laga jogaa markii la dilay hogaamiyihii hore ee Libya, Mucammar Qadafi, waxaana weli dalkaasi ka socda iska hor imaadyo hubaysan.

Dabley hubaysan oo taageersan dowladda ayaa weerar ku qaaday magaalada Bani Waliid.

Bani Walid waxaa ku xoogan taageerayaasha Qadafi, oo waxay waayahan dambe afduub u gaysanayeen raggi loogu shakisnaa inay dileen Qadafi.

Cumar Bin Shacbaan, oo ka muqday video internetka la soo geliyay oo tusayay sida loo dilay Qadafi, ayaa dhintay bil ka hor, kadib laba bilood oo afduub loogu haystay magaalada Bani Waliid.

Taageerayaasha Qadafi ayaa dilal iyo afduub aar goosi ah ka waday Libya tan iyo markii la dilay hogaamiyihii hore ee dalkaasi bishii Ocotober ee saandkii 2011.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.