
Kismaayo waxaa haatan gacanta ku hayo ciidamada dowladda
Weerar aya lagu qaaday xarunta maamulka ee magaalada Kismaayo, iyadoo wararka ka imanaya magaalada ay sheegayaan in ammaanka magaalada aanu weli sugneyn.
Waxaa magaalada ku sii kordhaya dilalka iyo weerarrada qorsheysan.
Waxaana magaalada maalmihii ugu danbeeyay lagu xiray dad ka badan boqol oo looga shakisan yahay weerarada ka dhaca magaalada, inkasta oo qaar badan oo ka mid ah la sii daayay markii danbe.
Bishan bilawgeedii, ayaa Ciidamada dawaladda Soomaaliya oo ay la socdaan kuwa Amisom ay magaalada Kismayo ka qabsadeen Xarakada Al Shabaab.
Tan iyo markii ciidamada isbahaysiga ee ay hogaaminayaan ciidamada Kenya ay galeen magaalada Kismaayo, waxaa howlgalo la sheegay in ay yihiin dhinaca amniga lagu soo qabtay boqolaal qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab.
Waxaa kale oo soo baxayay in dhowr qof la toogtay iyadoo aan la xukumin.
Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolada Jubbooyinka, Ismaaciil Saxardiid, ayaa horey u beeniyay wararka noocan ah.