
Berbera Stadium
Madaxweynaha Somaliland axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa rasmi ahaan wuxuu xadhiga uga jaray garoonka kubbada cagta iyo ciyaaraha fudud oo laga dhisay magaalada Berbera.
Garoonkan waxaa maalgelisay dawladda hoose ee Berbera, sidaa darteed ayaa uu sheegay madaxweyne Siilaanyo.
Markii uu furaayay maanta wuxuu sheegay inuu ugu magac daray Cabdalla Stadium Berbera, oo ah Duqa magaalada Berbera oo hormood ka ahaa dhismaha iyo hirgelinta garoonkan .
Garoonka cusub waxaa kaloo lagu ciyaari karaa kubbada koleyga . Xasan Cadde oo khabiir ku ah sportiga kubada cagta wuxuu sheegay in garoonka cusub
ee ciyaaraha ee Berbera uu qaadayo ilaa 30,000 oo fadhi ah, laakiinse uu in ka badan qaadi karo .
Weriyaha BBC Axmed saciid cige oo maalmo ka hor uun ka soo laabtay Berbera oo booqday garoonkaasi, wuxuu sheegay in dhismaha garoonkaasi uu socday muddo
laba sano ahayd.
Wuxuu leeyahay meelo loogu talo galay dadka madaxda ah, kooxaha ciyaartoyga, weriyaasha iyo caafimaadka.
garoonka cusub ee ciyaarah ee berbera waxaa kaloo loo sameeyay waddo dhawr kilometer ah oo laami ah oo dhexdeeda lagu beeray dhirta timirta ee u adkeysata
kuleylaha .