
Bartamaha Beiruit ayaa aad u burburtay qaraxii lagu dilay madaxa ammaanka Wissam Al Xassan.
Ciidamada ammaanka ee Labnaan ayaa waxay xireen jidadka bartamaha Beirut, iyadoo la qabanayo aaska madaxii sirdoonka Genenal Wissam Al Xassan oo lagu dilay qarax bomb Jimcadii.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku baaqay in dad badan ay ka qayb galaan aaska. Wariyaha BBC ayaa sheegaya in ka qaybgalka aaska ay u eg tahay in loo isticmaalo mid Syria looga soo horjeedo.
Raiisawasaarihii hore ee Labnaan Saad Al Hariri, ayaa ku eedeeyay qaraxa madaxaweynaha Syria Bashar Al Assad.
Dagaalka ka socda Syria ayaa kordhiyay xiisada labnaan ka jirta ee u dhaxaysa dadka Shiicada iyo Suniga.