Dood dhexmartay Obama iyo Romney

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Oktoobar, 2012, 05:19 GMT 08:19 SGA
Obama and Romney

Obama iyo Romney waxaa dhexmaray dood kulul

Labada musharrax ee u tartamaya madaxtinimada Maraykanka ayaa mar kale iska hor yimid, waxayna is dhaafsadeen hadallo kulul.

Madaxweyne Obama iyo musharaxa Xibiga Jamhuuriga ee madaxtinimada kula tartamaya, Mitt Romney, ayaa dooddii labaad isaga hor yimid ka hor doorashada madaxtinimada ee la qabanayo bisha November.

Waxay ka doodeen siyaasadda guddaha iyo tan dibadda, iyadoo Romney u sheegay in dilkii safiirkii Maraykanka ee Libya uu astaan u yahay in ay wax ka qaldanyihiin siyaasadda Maraykanka ee arrimaha dibadda.

Doodan oo telefishonnada si toos ah looga daawanayay ayaa lagu qabtay magaaladda New York.

Obama oo la sheegay in uu ku gul daraystay dooddii koobaad, ayaa diiradda saaray dhaqaalaha dalka Maraykanka.

Waxaa uu Romney dhwor jeer ku eedeyay in uu been sheegayo.

Mitt Romney waxaa uu Obama ku eedeeyay in uusan fulin waxyaabihii uu ballan qaaday, oo ay kamid tahay in uu shaqa u abuuro dadka shaqa la'aanta ah.

Doodda sadexaad ee ugu dambayso ayaa labada musharrax dhex mari doonta 22 October.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.