BBC navigation

Ciidamada dowladda oo la eedeeyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Oktoobar, 2012, 11:39 GMT 14:39 SGA
Kenya

Ciidanka Kenya ayaa qabsaday Kismaayo billawgii October

Qaar ka mid ah dadka degan magaalada Kismayo, ayaa sheegay in ay arkeen, falal boob ah, oo ay Ciidamada dawladda Soomaalidu geysanayaan.

Bishan bilawgeedii, ayaa Ciidamada dawala Soomaaliya oo ay la socdaan kuwa, Amisom ayaa magaalada Kismayo ka qabsadeen, Xarakada Al Shabab oo haystey.

Dad magaalada Kismaayo degan, waxaa ay BBCda u sheegen in Ciidamada Soomaalidu ay Lacag iyo teelefoonada Gacanta ka qaateen guryaha iyagoo ku doodaya in ay baaritaanno dhinaca amniga ah wadeen, iyadoo sheegay in inta badan dadka lagu eedeeyo in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada.

Tan iyo markii ciidamada isbahaysiga ee ay hogaaminayaan ciidamada Kenya ay galeen magaalada Kismaayo, waxaa howlgalo la sheegay in ay yihiin dhinaca amniga lagu soo qabtay boqolaal qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab.

Waxaa kaloo soo baxayay in dhowr qof la toogtay iyadoo aan la xukumin.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolada Jubbooyinka, Ismaaciil Saxardiid, oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in wararkaas aysan 'sal iyo raad toona lahayn'.

Waxaa uu sheegay in faahfaahinta ay dib ka bixin doonaan.

Ma aha markii ugu horaysa oo eedo loo jeediyey Ciidamadda Soomaalida. Waxaa hadda ka hor eedo kuwan oo kale ah loo jeediyay markii ay galeen degmada Afgooye bishii May.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.