Qaxootiga Soomaalida oo malyan dhaafay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Oktoobar, 2012, 05:30 GMT 08:30 SGA
qaxooti

Tirada qaxootiga Soomaaliyeed ayaa kor u dhaafay hal malyan

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool waddamada geeska Afrika ay kor u dhaafeen hal malyan oo ruux.

Warbixin ka soo baday UNHCR ayaa sheegayso in qaxootiga dhawaantan ka soo qaxay Somaaliya ay sababaha ku sheegeen ammaan darro iyo nabaegelyo xumo.

UNHCR waxay sheegtay in noolosha gobollada koonfureed iyo kuwa dhexe ay adagtahay in kasta oo ay xaaladu ka soo raynayso.

Hay'addu waxa kale oo ay sheegtay in tirada dadka gudaha ku bara kacay ay ka badantahay tan qaxootiga.

Warbixinta ayaa sheegtay barakacayaalka qaarkood ayaa dib ugu soo noqonayo Muqdisho kadib markii ay halkaasi ka baxeen Al-Shabaab sanadkii tegay.

Hasa ahaate, warbixinta Qaramada Midoobay waxay sheegaysa in dagaallada goos-gooska ah ee weli ka socda gobollada qaar ay ku sii barakacayaan dad hor leh.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.