
Mucaaradka Syria
Kooxda xuquuqda biniaadanka Human Rights Watch, ayaa ku eedeysay Syria inay kordhisay weerarka ay isticmaasho bambaanada firirta ee loo yaqaano cluster bobms.
Human Rights waxay sheegtay inay aragtay video internetka oo muujinaya ilaa labaatan weerar bambaano oo nooca clusterka ah oo lagu qaaday Syria.
Human Rights Watch waxay sheegtay in Videoga uu muujinayo in ciidamada dowladda ay isticmaalayaan hub lagu sameeyay Ruushka.
Syria kama mid aha waddamada saxiixay heshiiska caalamiga ee mamnuucaya samaynta ama isticmaalka Bambaanada nooca Clusterka.