BBC navigation

Madaxweynaha Mauritania oo la dhaawacay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Oktoobar, 2012, 13:34 GMT 16:34 SGA
Madaxweynaha Mauritania

Madaxweynaha Mauritania

Madaxweynaha Mauritania, Maxamed Walad Cabdal Casiis ayaa loo qaaday Faransiiska si looga daaweeyo dhaawac ka soo gaaray xabad lagu riday.

Intuusan Paris aadin Madaxweyne Cabdal Casiis, ayaa telefishinka ka sheegay isagoo jooga isbitaalka inuu qaliin lagu guulaystay galay.

Masuuliyiiinta ayaa sheegay in Mr Cabdal Casiis la dhaawacay markii milatariga Mauritania uu si qalad ah xabad ugu furay gaarigiisa.

General Cabdal Casiis ayaa reer galbeedka ay u arkaan inuu la dagaalamo islaamiyiinta gobolka. Waxaa xafiiska loo doortay 2009kii sanad ka dib markii uu dowladda xoog ku riday.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.