BBC navigation

Qaraxyo ka dhacay Nairobi

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Oktoobar, 2012, 19:45 GMT 22:45 SGA

Ilaa Laba qarax ayaa caawa, fiidkii waqtiga bariga Africa ka dhacay magaalada Nairobi.

Qaraxyada ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan hal askari.

Labada qarax waxay ka dhaceen meel u dhow xaafadda Easleight oo aan ka fogayn iskuul Axaddii la dhigto oo dhowaan qarax lagu weeraray uu ku dhintay wiil yar, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma aha markii ugu horaysay ee qaraxyo lala bartilmaameedsado goobo ku yaalla magaalada Nairobi. Dhowr jeer oo hore ayaa qaraxyo iyo weeraro kala duwan ay ka dhaceen.

Waxay qaraxyadan ku soo beegmayaan iyadoo saaka afhayeen u hadlay ciidamada Kenya uu sheegay in maydka ilaa shan askari oo ay ka heleen xabaal ku taalla magaalada Kismaayo maanta loo soo duuliyay magaalada Nairobi.

Kenya ayaa bilowgii bishan qabsatay magaalada Kismaayo, iyadoo kaashanaysa ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwo maleeshiyo.

Bishii October ee sanadkii hore ayay Kenya bilowday howlgalkan horaantii bishan ay ku qabsatay magaalada Kismaayo.

Waxaa Kenya ay horay ugu eedaysay weerarada noocan oo kale ah kooxda al-Shabab, oo ay sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso.

Al-Shabab ayaa iyaduna horay ugu hanjabtay in gudaha Kenya ay weeraro ka gaysan doonaan.

Hase yeeshee, wararka qaraxyadan wali waa isa soo tarayaan, ilaa haddana ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay, iyadoo ciidamada amniga gudaha Kenyana ay ku howlan yihiin baaritaanno ay ku ogaanayaan waxa dhab ahaan dhacay

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.