BBC navigation

Maydka 5 askari oo Kenya ka duulisay Kismaayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Oktoobar, 2012, 13:27 GMT 16:27 SGA

Ilaa shan mayd ah, ayaa Kenya ay sheegtay in ka duulisay magaalada Kismaayo.

Afhayeen u hadlay Kenya, Cyrus Oguna, ayaa BBC u sheegay in ilaa shan mayd ah laga helay xabaal si wadajir ah loogu aasay shanta qof oo loo malaynayo in ay yihiin shan askari oo howlgal lagu waayay.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in mudadii ay ku jireen dagaalka ay ku galeen dalka Soomaaliya si ay uga saaraan kooxda al-Shabaab magaalada Kismaayo ay kaga dhinteen ilaa 23 askari, isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa 100 askari oo kale.

Ciidamada Kenya oo hadda hoos taga ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya, ayaa galay magaalada Kismaayo iyadoo ay la socdaan ciidamo ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyada Islaamiga ah ee Raas-Kambooni.

Waxay ku qaaday muddo sanad ah ciidamada Kenya in ay qabsadaan Kismaayo kadib markii ay bilaabeen howlgal ay sheegeen in ay ku sugayaan amniga Kenya oo qatar galay markii dad ajnabi ah lagu dilay ama laga afduubay goobaha dalxiiska loo tago.

Waxaa howlgalkii ay bilaabeen bartamihii bishii October ee sanadkii hore uu soo gabagaboobay bilowga bishan October.

Ma cayinna muddada ciidamada Kenya ay joogi doonaan magaalada Kismaayo iyo gobolada la xiriira, sida uu BBC u sheegay ra'iisul wasaare ku xigeenka hadda u sharaxan madaxtinimada dalka Kenya, Musalia Mudavadi.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.