BBC navigation

Sharciyada cusub ee gawaarida Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Oktoobar, 2012, 14:37 GMT 17:37 SGA

Wasaarada Gaadiidka Doowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay mudo 20 sano ah wax ka badaleysa sharciga dadku ku kala iibsadaan gawaarida.

Arrintan ayaa wasaaradu ku sheegaty mid wax loogu qabanaya dhanka amaanka iyo caddeynta milkida gawaarida

Agaasimaha Wasaaradda Gadiidka Maxamad Cusmaan Cali ayaa sheegay in sharcigan looga gol leeyahay in lagu ogaado lahaanshaha gaadiidka sharciga iyo midka aan sharciga aheyn.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaraddu ay soo saartay awaamiir lagu kala badbaadinayo qaladaadka dhaca xiliga kala iibsiga gaadiidka.

Maxamad Cusmaan ayaa sidoo kale sheegay in cidii ka hor timaada sharcigani laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.